Calendar

Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay rag ay ku tilmaamtay Burcad Badeeda soomaaliya.

maantaBartamaha(Muqdisho):-Markab nuuca dagaalka oo ay leedahay dowlada Talyaaniga ayaa xalay waxa uu weeraray koox burcad badeed ah kuwaasi oo doonayay in ay afduubtaan markab ganacsi oo marayay goob aan ka fogayn xeebaha soomaaliya.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada badda dowlada Talyaaniga ayaa sheegay in ay saaka aroortii hore ay u suurta gashay in ay qabtaan ilaa 9nin oo weerar ku hayay markab ganacsi oo marayay xeebaha soomaaliya.

 

Afhayeenkaasi ayaa sidoo kale sheegay in raga ay qabteen manta ay ahaayeen ilaa 9Nin oo hubaysan kuwaasi oo xilligii uu markabkoodu iyo Helcopters ay wateen uu ku soo dhawaadeen ay bilabeen in ay hubkii ay wateen badda ku tuuraan.

 

Markabka dagaalka Talyaaniga ayaa la sheegay in uu gabi ahaanba la wareegay qalabkii iyo doonta ay wateen  raggii la socda oo ay talyaanigu sheegeen in ay yihiin burcad badeed weeraro rasmi ah waday xiligii la qabanayay.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa badda dalka soomaaliya waxaa ka taagnayd weeraro u dhexeeya raga wax afduubta iyo ciidamada shisheeyaha ee isku kaashaday la dagaalanka waxa loogu yeero Burcad Badeeda Soomaaliya.

 

 

Xarunta Wararka Xaqiida ah www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: