Calendar

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay balanqaadyo Ciidan ka heshay Dowladaha Jabuuti iyo Nigeria.

c-raxmaan-c-shakuurBartamaha (Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay heshay balanqaadyo Ciidamo ka mid noqonaya kuwa Amisom taasi oo timid ka dib dadaalo iyo wadahadal buuxa.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka C/raxman C/shakuur Warsame oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowlada loo balan qaaday in ay heleyso Ciidamo ka kala imaanaya wadamada Jabuuti iyo Nigeria.

Wasiirka ayaa sheegay in wada hadalo ay weli u socdaan iyaga iyo dowladahaasi si ay meel iskula dhigaan qaabka Ciidamadooda Soomaaliya u imaan lahaayeen iyadoo caawitaan buuxa laga helayo Midowga Afrika.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa qiray in ay iska jiraan culesyo xoogan balse dowladahaasi nay xiligan balanqaadyo xuuba ay siiyeen Dowlada Fd Soomaaliya islamarkaana ay dhawaan ka rajjo qabaan in gar-gaar ciidan ay la soo gaaraan.

Wasiirka ayaa ugu danbayntii ku qaabay in beesha Caalamka ay garab ku siiyaan sidii Soomaaliya loogu heli lahaa kaalmo xagga Ciidamada ah loona saacidi lahaa dowlada Fd Soomaaliya .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: