Dowlada Soomaaliya oo rabto in ciidamada Uganda sii joogan
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ineysan wali helin dowladda Uganda kusoo wargalin iney ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.
Ra’isal wasaaraha ayaa sheegay iney xaalad adag uu wajahi doono hadii Uganda ka dhabayso iney ciidamada ka jooga Soomaaliya kala baxayso.
“Lama yaabayno fariintaas. Waxa aan jecelnahay inaan la shaqeyno AMISOM si xushmadaysan” Ayuu yiri Ra’isal wasaaraha.
“Dadka Uganda waxa ay noogu deeqayn wax wayn, hadane waxa lagu jiraa xaalad adag, waxana galayna waji cusub, hadii wararka saxafada ay dhabowaan, waxa ay noqonaysa mid adag”Ayuu raaciyay ra’isal wasaaraha.
Wasaarada arimaha dibadda Uganda ayaa horey u sheegtey iney ciidamadeeda kalasoo baxayso wadamada Afrika ee nabad ilaalinta ay ka hayso oo Soomaaliya ku jirto yadoo ay ka dabaaqamayso warbixin ay soo saareyn Qaramada Midoobe oo ku eedaynayso dowladda Uganda iney tacadiyo sameyeen.
Comments
comments