Dowlada Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay Ciidamo ka soo goostay Xizbul Islaam.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Ciidamo ka soo baxsaday Xizbul Islaam oo Dowlada ku soo biiray.
Wasiiro,Xildhibaano iyo Madax Dowlada ka tirsan ayaa maanta bgoob jog ka ahaa gob lagu soo bandhigayay Ciidamo ka soo tagay dhanka Xizbul Islaam kuna soo biiray Dowlada Soomaaliya.
Wasiirada Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ,Amniga Qaranka C/laahi Maxamed “Sanbalodsheâ€, iyo Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur iyo madax kale ayaa ka hadashay Ciidamada Xizbul Islaam ka soo goostay iyagoo si diiran u soo dhaweeyay.
Sargaalka hogaanka u ahaa Ciidamada Xizbul Islaam ka soo goostay Shuuke C/raxmaan Odawaa ayaa ahaa Taliyihii Xizbul Islaam Saldhiga  Ceelasha Biyaha ayaa waxa ay wada dhasheen Sargaalkii lagu dilay Ceelasha Biyaha.
Wasiirada Dowlada ka socday ayaa waxa ay ku baaqeen in dhammaan Xoogaga Islaamiga ah ay dowlada la saftaan si dalka ammaan looga dhigo islamarkaana rasaasta ay ka daayaan Ciidamada Dowlada si wanaag loo gaaro.
Ma aha markii ugu horeysay oo ay Ciidamo ku soo biiraan Dowlada KMG ah kana soo cararaan Kooxaha Xizbul Islaam iyo Alshabaab oo la sheegay in ay dhaqaalo daro ku rideen dhalinyarada u dagaalanta wallow dowladana aanay ka dhaqaaqlo wanaagsanayn
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments