Dowlada Soomaaliya oo maanta shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda Badda ay bilaabayaan la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaliya.
Bartamaha (Muqdisho)Â Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta soo afjartay tababar muddo u socanayay Ciidamada Badda Dowlada kuwaasi oo maanta soo bandhigay gaada ka cayaar iyo dhuula tus militari.
Munaasabadaasi lagu xerayay tababarka Ciidamada Badda ayaa waxaa hadal ka jeediyay Masuliyiin sare oo ka mida Dowlada Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidamada iyadoo la soo gabgabeeyay tababarka 500-Askaro oo mariinis ah.
Wasiirka gaashaandhiga Dowlada Fd Soomaaliya oo ka mid ahaa madaxdii goobta fagaaraha ah ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Dowlada ay bilaabi doonto holwgalinta Ciidamada xagga Badda ah.
Cabdala Boos Axmed Wasiirka Gaashaandhiga dowlada soomaaliya ayaa sheegay in waqtiyada ugu dhow qalab la siindoono Ciidamada Mariiniska Dowlada si ay ula dagaalamaan Burcad badeeda Wadanka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa wacad ku maray in ay xeebaha Soomaaliya ka xureyn doonaan kooxaha Burcad badeeda ah isagoo sheegay in dhalinyarada la tababaray ay diyaar u yihiin in ay bad-baadiyaan dalkooda.
Hadalkan ka soo yeeray Dowlada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Xeebah Soomaaliya ay joogaan in ka badan 15-dowladooda Ciidamadooda xagga badaha si ay ula dagaalamaan Kooxaha Burcad badeeda.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments