Calendar

Dowlada Soomaaliya oo cambaaraysay hakinta howlaha gargaarka hay’ada Cunada Adduunka WFP.

i7 copyBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa cambaaraysay go’aanka ay qaadaty WFP iyadoo dusha uga tuurtay dhibaatda ka dhalata Kooxda ALshabaab.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Ahna Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Prof.C/raxamaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowlada ka xuntahay go’aanka ay gaartay WFP iyo sababta culeyskaasi la saaray.

Wasiirka ayaa sheegay in WFP ay baahi bdan dabooli jirtay islamarkaana ay dhibaatadaasi ay doonayaan Kooxda ALshabaab in ay shacabka Soomaaliyeed ku fiirsadaan.

Ra’iisul Wasaare xigeenka Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi  ayaa intaasi ku daray in WFP ay ku fududaatay go’aankaasi ay ka gaartay taakulaynta bulshada ku nool Koonfurta Soomaaliya.

Masuulkaasi ayaa waxa uu xusay in aanay fiirsan Karin dhibaatada haysata hay’ada WFP iyo mida shacabka haysa isagoo sheegay in dhammaan ay masuul ka tahay Kooxda Alshabaab maadaama hay’ada ay cabashadaasi muujisay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: