Calendar

Dowlada Soomaaliya oo beenisay in xiriir hoose ay la samaysatay dhinayo ka mida Mucaaradka.

imagesBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa been abuur ku tilkmaamtay warar sheegaya in dhexdhexaadin laga dhexbilaabay Dowlada iyo Mucaaradka.

Ra’iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Kaluumaysiga Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo la hadlayay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax war ah ay ka hayaan xiriir hoose oo Dowlada ay la yeelatay Mucaaradka.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay wax wadahadal ah xiligan la lahayn Mucaaradka isagoo intasi ku daray in marar badan ay diideen Mucaaradka wadahadal iyo daganaan.

Prof.Ibbi ayaa intaasi ku daray in Dowlada ay diyaar u tahay hishiis iyo wada shaqeyn ay la yeelato dhanka Kooxaha Islaamiyiinta isagoo beeniyay in haatan ay ka warhayaan dhinacyada Mucaaradka in ay doonayaan dagaal joogta ah oo kaliya.

Wasiirka ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay il gaar ah ku hayaan waxa ay samaynayaan Mucaaradka Dowladnimada diidan ee dagaalka ka wada Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: