Dowlada Soomaaliya oo beenisay Ciidamo lagu tababarayo gudaha Dalka Kenya.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah Ee  Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanay xiligan u baahnayn tababarida ciidamo aan u dhalan Dalka Soomaaliya islamarkaana ay Ciidamadooda ku filanyihiin la dagaalanka Mucaaradka.
Afhayeenka Ciidamada Militariga Dowlada Soomaaliya Farxaan Carsaanyo oo Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in xiligan aanay dowlada u soo jeedin tababarida Ciidamo aan u dhalan dalka Soomaaliya .
Afhayeenka ayaa been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay Ciidamada lagu tababarayo dalka Kenya ee lagu doonayo in lagu soo weeraro Gobolada ay ka taliyaan Islaamiyiinta taasi oo uu sheegay in ay faafiyeen dad aan dani ugu jirin daganaanshaha.
Ciidamada Dowlada ayuu sheegay afhayeenka in ay muddo sanad ka badan ay la dagaamayaan Islaamiyiinta islamarkaana ay u diyaarsanyihiin difaacada Dalka ay ku soo duuleen Al-qaacida
Hadalka Taliska Militarida ka soo baxay ayaa imaanaya xilli Alshabaab ay hanjabaad u jeeday Kenya islamar’ahaantaana lagu Eedeeyay tababarida Ciidamo Soomaaliya iyo Kenyan ah oo kla socanaya dhulak Soomaalida Kenya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments