Calendar

Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland oo hishiis kala sixiixday.

RW.FroleBartamaha (Gaal-kacyo):- Dowlada Fd Soomaliya iyo Maamul dowlada Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u kala sixiixday hishiisyo dhinaca wada shaqeynta ah.

Ka dib kulamo joogta ah oo ay yeesheen Wafdiga Madaxda Dowlada Fd Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedka Puntland ayaa waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen hishiis dhowr iyo Toban qodob ka boobnaa.

1- Labada dhinac waxa ay isla meel dhigeen in la adkeeyo wada jirka iyo midnimada soomaalida.

2-Dowlada Fd iyo Maamulka Puntlanda waxa ay la garteen in la sameeyo dastuurka xagga Maamulada maadaama dowlada ay Federaal  tahay.

3- si loo sameeyo dastuurka loona hergaliyo Federaalka waxa ay isku waafaqeen in Garoowe looga dhigo Xarunta rasmiga ah Ee gudiga si ay dhaqso nidaamkaasi u soo sameeyaa.

4- Labada dhinac waxa ay isku raaceen in maamul goboleedyada dalka si dag-dag ah loo dhiso.

5- Dowlada Goboleedka Puntland waxa ay u madax bannaantahay ka qeybgalka shirarka danaheeda ay uga hadlayso.

6- Dowlada Federaalka waxay kala shaqeenaysaa Puntland dib usoo celinta iyo raadinta mashaariicda horumarineeda ee hay’adii Mucaawinada Talyaaniga FIA ay ka waday dalka gaar ahaan Puntland kahor burburkii dowladii Soomalaiya.

7- In dhulka maamulka Puntland laga dhiso xarumo tababar ciidamada soomaaliya loogu sameeyo.

8- in labada dhinac ay si wada jir ah isaga kaashadan la dagaalanka Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya si looga bd-baado khatar ay kooxahaasi dalka u soo jiidaan.

9-In Deeqaha xagga waxbarashada  Puntland ka helayso 25%, ayadoo deeqahaasi ay ardayda Puntland u galayaan tartan ay maamuleyso Wasaarada waxbarashada ee Puntland, isla markaana Wasaarada Tacliinta Sare ee Federaalka, ay ku yeelaneyso kaalin kormeer ah.

11- Waxay wasaaradaha waxbarashada ee Dowlada Federaalka iyo Puntland yeelanayaan xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn, iyagoo iska kaashanaya tababarada malamiinta iyo maamulayaasha, kana wada shaqeenayaan mideynta Siyaasada iyo Manaahijta dalka Soomaaliya.

12- Waxay labada dhinac isku afgarteen in dhamaan hay’adaha caalamiga ee u xilsaaran Soomaaliya, usoo raraan xarumahooda iyo xafiisyadooda meelaha nabada ka jirto ee dalka Soomaaliya, sida Puntland.

13- Waxay dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Puntland ku baaqayaan, horumarinta iyo illaalinta, Diinta, Dhaqanka, Suugaanta, AfSoomaaliga, Madxafyada iyo Goobaha taariikhiga ah.

14- labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen in xiriir joogto ah lala yeesho, Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo Qurbo joogta, laguna dhiiri geliyo dhawrida, Diintooda, dhaqaankooda iyo afkooda. In laguna dhiiri geliyo dib u dhiska dalkooda, iyo waliba inay xushmad iyo sharaf kula noolaadaan bulshooyinka ay ku noolyihiin oo dalalkooda ku marti geliyey oo dajiyeyna.

15- in Wasaaradaha iyo hay’adaha Federaalka iyo Puntland ay wada yeeshaan xiriir joogta ah iyo wada shaqeyn daacadnimo ku jirto.

Hishiiskan ay gaareen Dowlada Fd Soomaaliya iyo Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa waxa uu imaanayaa ka dib kulamo muddo qaatay oo Dowlada Soomaaliya wafdi ka socday iyo madaxda Puntland ay yeesheen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: