Calendar

Dowlada Soomaaliya iyo Kooxda Ahlu-sunnah oo kulan Dagaalada looga hadlayo ku yeeshay Matabaan Gobolka Hiiraan.

ahlusuna12Bartamaha(Mataban):-Dowlada Fd Soomaaliya ayaa kulan la yeelatay Madaxda Kooxda Ahlu-sunnah Wal-Jamaaca kaasi oo looga hadlayay dagaalada ay kula jiraan Islaamiyiinta Mucaaradka.

Kulan balaaran oo ay yeesheen Madaxda Dowlada Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha ugu saraysa Kooxda Ahlu-sunnah EE Gobolkaasi ayaa la sheegay in ay uga hadlayeen dagaalada ay sida wada jirka ah kula jiraan Islaamiyiinta Mucaaradka ah.

Aadan Garaaso duqii hore Magaalada B/Weyne ayaa saxaafada u sheegay in Madaxda Dowlada Ee Gobolka Hiiraan iyo Kooxda Ahlu-sunnah ay isla meel dhigeen in ay adkeeyaan xiriirka ay ka wadaagaan xagga Dagaalada.

Aadan Garaaso ayaa waxa uu sheegay in Culimada Ahlu-sunnah ay yihiin awood jirta oo ka hortaagan Alshabaab iyo Xizbul Islaam si aanay ula wareegin awooda Gobolada Gal-gauduud iyo qeybo Hiiraan .

Kulankan ay labada dhinac ku yeesheen Deegaanka Matabaan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhawaan laga cabsi qabo in Gobolka Hiiraan uu galo dagaalo mudda qaata maadaama ay halkaasi gaareen Ciidamo xoogan oo ka socda Xagga Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: