Dowlada Soomaaliya ayaa u magacaabey mudane C/qaadir Aaden Cali ‘’Dhuub’’inuu noqdo wakiilka u fadhiya dalka Britain.
Bartamaha (London) Wasiirka Wasaarada Jaaliyadaha Dowlada Soomaaliya mudane Cabdulaahi Azhari ayaa si rasmi ah ugu magacaabay mudane C/qaadir Aaden Cali ‘’Dhuub’’inuu noqdo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida degan UK islamarkaana ah wakiilka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, inta laga furaayo safaarada Soomaaliya.
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed UK Mudane C/qaadir Aaden Cali oo degan magaalada London ayaa ii sheegay inuu furan yahay xafiiska Jaaliyada islamarkaana ay guda galeen howlihii loogu talagaley inay qabtaan oo ah isku xirka dowlada Soomaaliya iyo jaaliyada Soomaalida degan dalkaan iyo welibo howlihii xiriirka Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Britain.
Xafiiska waxaa laga furey xaafada Wembley oo ku taal galbeedka magaalada London.
Magacaabistaan ayaa ka dambeysay safar uu ku yimid magaalada London wasiirka Jaaliyadaha dowlada Soomaaliya, kadib markii uu u kuurgalay xaalada jaaliyada Soomaalida degan dalkaan,sameeyayna la tashiyo badan ayuu go’aankan soo saarey mudane Cabdulaahi Azhari .
Maamulkaan cusub ayaa ka kooban Gudoomiye iyo shan gudi ah oo sida wadajir ah uga howl gali doono xafiiska isku xirka Soomaaliya iyo Britain.
Jaaliyada Soomaalida degan UK ayaa si weyn u soo dhawaysay magacaabista Gudoomiyaha cusub islamarkaana u rajeeyay inuu ka soo dhalaalo wajibaadka Qaran.
W/D: Yusuf Yusuf
[email protected]
London
Comments
comments