Dowlada Qadar oo Mas’uul ka ahayd xilka degistii Dr.Cumar Iimaan.
Â
BARTAMAHA (Muqdisho):-Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababihii uu xilka isaga casilay Gudoomihii Ururka Xisbul Islaam Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo shalay iscasilay.
Dr. Cumar Iimaan ayaa lasheegay in uu ka cudur daartay hoggaaminta Ururka Xisbul Islaam oo maalmihii lasoo dhaafay gorodda geliyay dagaallo dhiig badani ku daatay.
Warar Hoose oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in Dr.Cumar Iimaan ay Dowladda Qadar udiiday hoggaaminta Urur Hubaysan maadaama ay Qadar taageerto TFG-da Somalia.
Dr. Cumar Iimaan ayaa haysto dhalasho Qadar ah waxaana magaalada Doha ujooga Xaas iyo carruur badan,Dowlada Qadar ayaa Dr.Cumar Iimaan aad utixgeliso wuxuuna saaxiiba layahay Culimada dalkaas.
Cadaadiska lasaaray Dr.Cumar Iimaan ee ah in uu isaga tago arrimaha Dagaalka waxaa gacan weyn ka gaystay Shiikh Yusuf Qardawi oo ah Wadaad ay Dr.Cumar wax isla barteen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Dr.Cumar uu uwareegi doono arrimaha Waxbarashada iyo Dacwada kana fogaa doono wax walba oo Dagaal ah .
BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia
Comments
comments