Calendar

Dowlada oo walaac kala soo dersay dhulka yar ay maamusho.

dowladaBartamaha (Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa shaki ka qabta deegaanada kooban oo ay ka taliso gudaha Magaalada Muqdisho iyadoo baaritaano Culus ka bilaabowday  xaafadaha Degmooyinkaasi.

Walaac iyo Walwal la xiriira dagaal ka qarxa gudaha deegaanada kooban oo ay ka taliso Dowlada KMG ah ayaa soo baxaya ka dib markii la helay Hub iyo rasaas aad u tira badan markii la baaray xaafad ka mida Degmada Xamar-jajab oo olog la ah Villa Somalia.

Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ayaa loo adfeejiyay soo ogaanshaha dhaqdhaqaaqyada ka socanyay Degmooyinka ay maamusho Dowlada gaar ahaan Degmooyinka aadka ugu dhow Villa Somalia oo shaki balaaran laga qaaday.

Ciidanka Booliiska iyo kuwa Nabad Sugida ayaa iska kaashanaya baaritaanka xaafadaha asida aadka ah looga shakisanyahay sida Degmada Xamar Jajab iyo Waabari oo la ogyahay in ay ku badanyihiin Maleeshiyaadka Islaamiyiinta.

Inta badan Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari ayaa lagu qarxiyaa gawaarida Dowlada iyadoo dilalka Bistolada ay joogta ka noqotay xaafadahaasi oo la aaminsanyahay in la soo galiyay hub aad u badan dagaalka ay ka dhex abaabulayaan Islaamiyiinta sida xog soo gaartay Nabad Sugida lagu sheegay.

Haddii Dowlada dagaal uga dhex bilowdo deegaanada ku dhow Villa Somalia ayaa waa ay noqonaysaa mid si fudud ugu fashilanta dagaalkaasi xilli dhammaan deegaanadii kale ee Muqdisho laga soo qabsaday islamarkaana haatan ay Shbaabka oo dagaalka hogaaminaya ay ku soo dhawaadeen Madaxtooyadsa.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: