Dowlada oo soo bandhigtay Ciidan ka soo goostay Alshabaab
Bartamaha (Muqdisho):- Sargaal sare oo shabaab ah iyo dhalinyaradii ilaalada u ahayd ayaa Saaka ku biiray Dowlada KMG ah.
Sargaal sare oo shabaab ah ayaa goostay in uu ku biiro Dowlada KMG ah ka gadaal markii xaalada ay ku xumaatay waxaana la socday 6-ka mida ilaaladiisa oo isku dhiibay Ciidanka Dowlada ee jooga Ex-Control Afgooye.
Sargaalkan shabaabka ah ayaa waxaa la sheegay in uu taliye ka ahaa Deegaanka KM.13 waxaana ka hor uu caan ka ahaa gudaha Suuqa Bakaaraha Muqdisho iyadoo hada uu isku dhiibay Dowlada.
Sargaalkan Shabaabka ah oo lagaciisa lagu soo koobay Sheekh Dul Yadayn ayaa waxaa uu ku sugan yahay Madaxtooyada Soomaaliya waxaana uu saxaafada kula hadlay Xaruntaasi madaxtooyada.
Dhalinyarada 6-da ah ee la socota ayaa waxa ay ahaayeen kuwa da’dooda ay ka yartahay 18-Jiro waxaana ay hadda qireen in ay ka soo laabteen qalad ay muddo dheer ku jireen oo ay dowlada ku soo biireen.
Ma aha markii ugu horaysay oo shabaab ay ciidan ka soo goostaan waxaana hore Dowlada ugu biiray Ciidamo badan iyo rag saraakiil ah oo shabaab muddo ahaa wallow ay go’aansadeen in ay isaga baxaan Kooxdaasi ku caan baxday dilalka iyo la dagaalanka dowlada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments