Dowlada oo qabqabatay dhalinyaro Alshabaab ah
Bartamaha (Muqdisho):- Ciidanka Dowlada KMG ah ayaa sameeyay Howlgal ka dhan ah dhalinyarada Alshabaab ee dagan dhulka ay dowlada maamusho.
Ciidanka Dowlada KMG ah ayaa saaka Howlgal culus ka sameeyay xaafado ka mida Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho oo ay ka qabqabteen Koox dhalinyaro alshabaab ah balse ku dhex nool dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo ay dhex daganaayeen.
Ciidanka ayaa qabqabtay dhowr iyo Labaatan dhalinyaro alshabaab ah oo iyagu laga soo dhex qabtay xaaafadaha ay ka daganaayeen Degmada Wadajir oo Howlgalka xoogiisa ay mIlitariga Dowlada saaka illaa xalay ka samaynayeen.
Dhismayaal ay dagaanaayeen dhalinyaradan oo ay askarta u dhaceen ayaa laga soo helay dhalinyaro Hub fudud u qarsoonaa kuwaasi oo qaarkood xabsiyada dowlada loo dhaqaajiyay waxaana jiray qaar jir dil loogu gaystay xaafadaha Degmadaasi Wadajir.
Amniga Degmada Wadajir ayaa aad loo adkeeyay waxaana saacadihii u danbeeyay Howlgalkii dhacay lagu qabtay 22-dhalinyaro dhammaan lagu ogaaday in ay alshabaab ahaayeen iyo qaar kale oo dib xuriyad loo siiyay markii baaritaan ay mareen.
Howlgalada nuucan ah ayaa ah kuwa soo noqnoqda waxaana inta badan xiliyada baaritaanka askarta sameeyaan ka dib jira dad xabsi ku daaha oo xukuno culus la dul dhigo maadaama inta badan dalka ay ku bateen dhalinyarada alshabaabka ah ee dilalka ka agaasinta dhulka ay dowlada haysato.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Comments
comments