Calendar

Dowlada oo ogaatay qorshe abaabul qaraxyo Ismiidaamin ah

qaraxBartamaha (Muqdisho):- Sargaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Dowlada ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan isku day abaabul qaraxyo Ismiidaamin ah.

Taliye C/qaadir Xuseen waa sargaalka haysta Ciidanka ka dagaal gala gudaha Degmada Hodon Muqdisho waxa uuna shaaca ka qaaday in uu helay sir ku aadan isku day qaraxyo Ismiidaamin ah.

Sargaalkan waxa uu sheegay in Laba gaari oo hadda yaala dhulka dowlada haysato lagu wado in lagu fuliyo Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaadayo saldhigyo dowlada leedahay.

Taliyaha waxa uu daaha ka qaaday in Qaraxa koowaad lala doonayo gudaha Saldhig Ciidanka Dowlada ku leeyihiin Degmada Wadajir halka mid kalana lagu doonayo in lagu qarxiyo Ciidanka Dowlada ee haysta Ex-Control Afgooye.

Labada goob ee uu sheegay taliyanahan ayaa waxaa ku sugan ciidan xoog badan oo dowalada ay leedahay waxaana uu sidoo kale farta ku fiiqay in sirtaasi uu helay maalin ka hor balse uu fashilin doono.

Ninka hadalkan laga soo xigtay ayaa waxa uu ahaa xilli sargaal Xizbul Islaam ah oo xiriir dhow la leh shabaabka waxaana uu hadda qaabilsan yahay dhul Muhiim ah oo dowlada ay difaacato oo ka mida Degmada Hodon Muqdisho.

Lama oga qaraxyada la agaasimayo sida ay dowlada ku fashilin doonto xilli hore qaraxyo dhacay loogu laayay Ciidanka Amisom iyo saraakiil Dowlada oo shirayay iyo saldhigyo badan oo askarta amisom lagu dhameeyay markii qof naftiisa haligaya uu qarax la beegsaday.

Xafiiska www.Bartamaha.com Ee Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: