read more »">
Calendar

Dowlada Nigeria oo daaha ka qaaday in Ciidamadeeda ay dhawaan gaarayaan Dalka Soomaaliya.

ojomaduekweBartmaha (Nairobi):-Dowlada Nigeria ayaa sheegtay in ay dhawaan Ciidamadeeda u soo diri doonto gudaha dalka soomaaliya si ay uga qeyb-qaataan nabad ku soo dabaalida dalka soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Kenya Ojo Maduekwe oo magaalada Nairbi kulan kula qaatay wasiirka arimaha Dibada Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha nabad ilaalinta dalka soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa la sheegay in ay isla soo hadal qaadeen qaabka ugu fudud Ee Dowlada Wadanka Nigeria Ciidamadeeda ugu soo diri lahayd dalka soomaaliya iyadoo ay isla meel dhigeen in la cawiyo Ciidamada Amisom Ee Soomaaliya ku sugan.

Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Nigeria Ojo Maduekwe oo saxaafada kula hadlayay magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda dhawaan ay u soo dirayaan dalka soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dalka soomaaliya dhibaatada nabad la’aanta ah Ee ka taagan ay dhibayso dowladiisa maadaama uu sheegay taariikh dheer oo wanaagsan ay Soomaaliya la lahayd.,

Ma aha markii ugu horeysay oo dowlada Nigeria ay balan qaado in Dalka soomaaliya ay u soo direyso Ciidamo nabad ilaalin ah wallow balan qaadyadaasi ay u batteen kuwa afka ku kooban oo aan balan dhamaystiran ahayn.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: