Calendar

Dowlada Masar oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay ku safraan Xeebaha Soomaaliya.

masarBartamaha (Cairo) Dowlada Masar ayaa muwaadiniintiida u jeedisay digniin ku aadan kusafritaanka Xeebaha Wadanka Soomaaliya oo ay sheegtay in Qatar badani masaarida ka heysato.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha Dibada Wadanka Masar ayaa waxaa digniin loogu jeediyay Badmareenada Masaarida ah iyadoo loogu baaqay in aanay wax socdaal ah ku marin Biyaha wadanka soomaaliya.

Wasaarada Arimaha Dibada ayaa waxa ay sheegtay in Burcad badeeda Soomaalida ay isku dayayaan sidii ay u aargudan lahaayeen Maraakiibta masaarida Ee marayasa Xeebaha Soomaaliya.

Xalay ayaa la sheegayaa in Kanaalka  Suweys uu gaaray markabkii ay saarnaayeen 24-shaqaale Masaari ah oo awood uga baxsaday Burcad badeeda Soomaalida oo qaar badan ay dileen halka 8-ka mid ahna ay wattaan.

Dginiintan ka soo baxday Wasaarada Arimaha Dibada Wadanka Masar ayaa imaanaysa xilli Sargaal ka mida Burcad badeeda Soomaalida uu u hanjabay in ay beegsan doonaan shaqaalaha Maraakiibta Masaarida islamarkaana ay ka aargoosan doonaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: