Dowlada Maraykanka oo sheegtay in ay dishay hogamiye sare Al-qaacidada Soomaaliya.
Bartamaha (Washington) Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay guul ka gaareen howlgal shalay ay ku dileen sargaal sare oo ka mida Al-qaacida gudaha dalka soomaaliya.
Sida ay sheegeen  saraakiil sare oo ka mida FBI-da Dowlada Maraykanka waxaa shalay duqeyn ay sameeyeen diyuurado ay saarnaayeen Ciidamo tababaran lagu dilay sargaal sare oo lagu Magacaabo Salax Cali Nabhan kaasi oo ahaa wakiilka Al-qaacida soomaaliya.
Hogaamiyaha Salax Nabhan ayaa la sheegay in uu ahaa 28-jir ka danbeeyay qaraxyadii safaaradaha maraykanka Daara-salaam iyo Nairobi iyo weerar ay ka badbaaday diyuurad laga lahaa Isra’il.
Ma jiro illaa xiligan cid si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hayaan maydka Hogaamiyahasi balse Saraakiishaasi FBI oo magacooda ka gabsaday aya muujiyay in ay dhacdadaasi ahayd mid lagu guuleystay.
Xafiiska Bartamaha Wararka
Comments
comments