Dowlada Maraykanka oo shaaca ka qaaday in ay wiiqeen awooda Burcad Badeeda Soomaaliya.
Bartamaha (Baxrayn):-Dowlada Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay hoos u dhigeen awooda Burcad Badeeda Xeebaha Soomaaliya iyo weeraradii ay ku qaadayeen Maraakiibta.
Taliyaha Ciidamada Badda Maraykanka ugu qeybsan la dagaalanka kooxaha Burcad Badeeda Gen.Gary Roughead ayaa sheegay in ay si xoogan u dhimmeen awooda weerarada Kooxaha Burcad Badeeda Xeebaha Soomalaiya.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxah burcad badeeda awoodooda la wiiqay ka dib markii Ciidamada NATO ay kordhiyeen la dagaalanka kooxahaasi iyo ilaalinta maraakiibta.
Admiral Gary Roughead ayaa ku faanay in Ciidamada Maraykanka ay si xoogan ula dagaalameen Burcadda islamar’ahaantaana ay awoodooda hoos u dhigeen.
Hadalka Sargaalkaasi ka tirsan Taliska Dhexe Ee Ciidamada Badda Wadanka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawwaan Ciidamada maraykanka ay u soo dhaqaaqeen howlaha la dagaalanka Burcad badeeda xiliganna ay hayaan taliska NATO ee Xeebaha.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments