Dowlada Liibiya oo mar kale sii daysay qaar ka mida Maxaabiista Soomaalida .
Bartamaha (Tripoli) Dowlada Liibiya ayaa sii daysay qaar ka mida Maxaabiista Soomaaliyeed Eek u jiray Xabsiyada Dalkaasi iyadoo aanay jirin wax Maxkamada ah oo la soo taagay.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Tripoli Ee Dalka Liibiya ayaa sheegaya in Dowlada dalkaasi ay sii daysay ku dhawaad 100-ka mida Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Dalkaasi lagu haystay.
Safaarada Soomaalida Ee Dalkaasi ayaa sheegtay in ay Maxaabiista Soomaalida ay ka sii daysay gacanta Dowlada Liibiya si ay u fuliyaan hishiiskii dowlada dhexe Ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Liibiya ay gaareen.
C/Xakiin sheikh Cali Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli Liibiya ayaa waxa uu sheegay in Maxaabiista Soomaalida qaarkood ay yihiin Eedeysanayaal islamarkaana ay dowlada Liibiya go’aan ka soo gaari doonto balse la sii daayay inta badan maxaabiista.
Safaarada Soomaalida Ee Dalka Liibiya iyo Saraakiil ka mida Dowlada Liibiya ayaa lagu Eedeeyaa in ay dhaqaaqle ka qaataan Maxaabiista ay xeraan islamarkaana ujeedada xariga uu yahay qaabkii dhaqaalahaasi loo soo dhalin lahaa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments