Dowlada kmg Soomaaliya oo wax lagu qoslo ku tilmaamtay hadalka ka soo yeeray Eritrea.
Xamar — Dowlada kmg Soomaaliya ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamtay hadalka ka soo yeeray dowlada Eritrea.
Wasiirka Gaadiidka Cir iyo Dhulka dowlada kmg Soomaaliya Cali Jaamac Jangali oo maanta wareysi gaar ah siiyay Idaacada Shabelle ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo baxay wasiirka warfaafinta dowalada Eritrea oo ku aadanaa in aysan Aqoonsaneeyn Eritrea dowlada ka jirta dalka Soomaaliya.
Mr Jangali ayaa tilmaamay in aysan habooneeyn in wax laga weydiiyo dowlada Eritrea arimaha Soomaaliya,isagoo ku tilmaamay Eritrea talis Jahwareersan waxaana uu ugu baaqay in ay faragalinta ay ku heyso Soomaaliya ay iska deyso.
Wasiirka ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in dowalada Eritrea ay tahay dal go’doon ah isla markaana,waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya ay taageero ka heysto beesha Caalamka,waxaa uu wax lagu qoslo uu ku tilmaamay wasiirku hadalka ka soo baxay wasiirka warfaafinta dowlada Eritrea oo ku aadana in aysan aqoonsaneeyn dowalada kmg Soomaaliya.
Hadalkani Jawaabta ah ee ka soo baxay dowlada kmg Soomaaliya ayaa imanaya xili dowlada Eritrea ay sheegtay in aysan aqoonsaneeyn dowlada ka jirta dalka Soomaaliya shalay ayeey aheeyd markii wasiirka amniga qaaranka uu Eritrea ku eedeeyay in ay hub sharci daro ah ka soo dejiysay dalka Soomaaliya.
Comments
comments