read more »">
Calendar

Dowlada KMG ah oo WFP ku amartay in ay qeybiso raashinka Bakhaarada dekeda Muqdisho ku xaraysan.

dakadam magaaladaBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa amar ku siisay WFP in ay raashinka gargaarka ah eek u xaraysay dekada Muqdisho ay siiso dadka u baahan.

Ra’iisul Wasaare xigeenka ahna Wasiirka Kaluumaysiga Prof.C/raxaamn Xaaji Aadan Ibbi oo saxaafada la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in ay amar ku siiyeen WFP in ay bixiso dhammaan raashinka ugu xaraysan dekada si shacabka u baahan loo gaarsiiyo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka waxa uu intaasi ku daray in raashinka ku xaraysan Dekada ay maamul ahaan masuul ka yihiin WFP balse ay fareen in ay shacabka gaarsiiyaan xiligan.

Masuulkaasi waxa uu hadalkiisa imaanayaa xilli Magaalada Muqdisho ay dhibaato ku haysato dad ka barakacay dhismayaashii ay daganaayeen oo dhibaato xagga nolosha ah ay ku haysato Magaalada.

Hay’adda WFP waxaa haatan laga mamnuucay dhammaan Gobolada ay maamulaan Islaamiyiinta Alshabaab iyadoo go’aan ka gaartay dhammaan u gargaarida shacabka dhinab ee dagan Koonfurta soomaaliya.

Bakhaarada Dakada Magaalada Muqdisho waxaa ka buuxa raashin ay leedahay WFP kaasi oo ay ka baahanyihiin dad badan oo ku barakacsan gudaha Caasimada goobaha ay dowlada ka maamusho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: