Calendar

Dowlada KMG ah oo wada hadal ugu baaqday Xoogaga Mucaaradka.

WasiirasadaBartamnaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa ka codsatay Xoogaga Mucaaradka in ay soo fariistaan Miiska Wada hadalka.

Wasiirka dib u heshiisiinta Xukuumada KMG Soomaaliya Xuseen Warsame Samatar ayaa ka codsaday dhammaan Xoogaga Islaamiyiinta ah wada hadal ay la galaan Dowlada.

Xuseen Warsame Samatar Wasiirka dib u heshiisiinta Xukuumada KMG waxa uu ka dalbaday dhammaan Xoogaga dowlada ka soo horjeeda in yimaadaan Miiska wada hadalka si ay heshiis ula galaan Dowlada.

Wasiirka waxa uu cadeeyay in aanay Dowlada marnaba wax shuruud ah ku xeraynin la hadalka Alshabaab ama Xizbul Islaam isagoo cadeeyay in ay tagayaan mel walba oo ay ku ogolaanayaan wada hadal.

Wasiirka waxa uu xusay in aanay wax faa’iida ah lahayn dagaal iska sii socda xilli waliba oo dadka shacabka ah lagu laayo Madaafiic taasi oo uu sheegay in ay sii badinayso colaada.

Dabacsanaanta Dowlada dhankeeda ah ayaa imaanaya xilli dagaalo xoog badan ay weli ka dhacayaan Magaalada Muqdisho iyadoo Islaamiyiinta ay ku soo dhawaadeen Qasriga Madaxtooyada.

Madaxda Dolada ayaa ku kala aragti duwan la wada hadlida Kooxda Mucaaradka ah ee Alshabaab oo Wasiiro ay horay u sheegeen in ay yihiin Al-qaacida wada hadalna aanay mudnayn.

Madaxweyne Shariif ayaa marar badan ugu baaqay Xoogaga Mucaaradka in ay soo fariistaan Misika wada hadalka wallow baaqaasi aan dhagna jalaq loo siinin taasi oo dhalisay in awooda Dowlada lagu wiiqo dagaalo xiriir ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: