Calendar

Dowlada KMG ah oo u soo jeesatay Barakicinta Dadka dagan hareeraha Xarumaha Dowlada.

lBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa u soo jeesatay in ay iska fogeeyaan dadka shacabka ah ee  dagan hareeraha Xarumaha  Dowlada ku shaqeyso.

Waxaa maanta amar cusub la dul dhigay dadka dagan hareeraha Madaxtooyada iyo Guriga Ra’iisul Wasaaraha iyadoo la faray in saacada gudahood ay isaga guuraan dhismayaasha ay daganyihiin.

Ilaalada Madaxtooyada ayaa amar ku siiyay dadka dagan dhismayaasha ku dhow Madaxtooyada iyo hoyga Ra’iisul wasaaraha in ay isaga guuraan sababo dhanka ammaanka ah.

Ciidanka ayaa waxa ay fursad u siiyeen dadka dagan Madaxtooyada iyo dhismayaasha ku dhow Gurira Ra’iisul wasaaraha in ay isaga baxaan saacada gudahood si baaritaan loogu sameeyo xaafadahaasi.

Dhanka kale Wararka aynu ka helnay dadka dagan Xaafada Fiyooraha ayaa sheegaya in Cidianka ay u yimaadeen kuna amreen in ay iska guuraan wallow la isku qabtay sharci ahaanshaha sababta ay u dalbanayaan in auy raraan dadka dagan hXeradaasi.

Ciidanka waxa ay u laabteen dhismayaasha dhanka Bari ka ah Madaxtooyada iyo dhismayaal ku dhow Tiyaatarka qaranka oo ay dadkaasi dagan ku amreen in ay isaga guuraan dhismayaashaasi.

Dadka dagan dhismayaasha qaarkood waxa ay yihiin kuw sharci ahaan u haysta in ay daganaadaan maadaama ay leeyihiin dhismayaashaasi dad ay ehel wadaag yihiin oo dowladii dhexe ka mid ahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Dowlada ay amar siisay dadka dagan hareeraha Garoonka Diyaaradaha oo la amray in ay isaga guraan taasi oo keentay qasaara kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Sidoo kale Dowlada waxa ay dad badan ka barakicisay dhismayaasha ku dhow Xarunta Gobolka Banaadir iyo Bangigii dhexe ee Dalka oo ku yaala Degmada Shangaani.

Isku soo duub lama oga dadka laga barakacinayo halka ay aadayaan maadaama magaalada inteeda badan ay soo buuxiyeen dhismayaasha dad isaga soo barakacay Degmooyinka woqooyiga Muqdisho oo dagaalka ku soo noqnoqday .

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: