Calendar

Dowlada KMG ah oo u goodisay deegaanada ay maamulaan Mucaaradka.

xidig (1)Bartamaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah ayaa balan ku qadaay in dhawaan ay weerari doonto dhammana Deegaanada ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada KMG ah C/rashiid Maxamed Xidig oo maanta saxaafada la hadlayay ayaa balan ku qaaday in dhawaan ay tagayaan dhulka ay maamulaan Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha waxa uu intaasi ku daray in Beesha Caalamka ay ka qeybagli doonaan Howlgalka dhawaan lagu cirib jarayo Xoogaga Islaamiyiinta oo in mudda ah weeraro ku hayay Dowlada.

C/rashiid Xidig waxa uu xusay in la diyaariyay dhammaan Ciidankii la wareegi lahaa Gobolada dhawaan ay Dowlada weerarka jiha walba ah ay ku tahay taasi oo uu muujinayay in Diyaarado dagaal ay adeegsan doonto Dowlada.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Wadamo badan ay xiligan diyaar u yihiin fulinta qorshe lagau tirtirayo xoogaga Islaamiyiinta ah oo uu ku tilmaamay kuwa qatar ku ah dhamaan qaarada Madow Ee Afrika.

Wasiirka ayaa ku celceliyay in ay Dowlada ka xuntahay qorshe walba oo shabaabka ay dagaal kula galaan Dowlada isagoo si gaar ah u cambaareeyay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Dhoobley oo uu sheegay in ay ka qeybgalayeen kooxo Ajaanib ah.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqanayay mid Dowlada ay dhamaystiratay qorshe duulaan ay ugu tahay dhammaan dhulka ay ka taliyaan Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ku ah Dowlada Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Dowladaha afrika ay balan qaadeen in ay Amisom ku kordhinayaan 4-Kun askari oo si deg deg ah Caawin u siiya Dowlada KMG ah kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay u diyaarsan yihiin dagaal ka dhan ah Mucaaradka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: