Dowlada KMG ah oo Puntland siisay saanad Militari.
Bartamaha (Muqdisho):- Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa saanad Militari u dirtay Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland.
Sida warar lagu kalsoonaan karo oo Warbaahinta heshay ay sheegayaan waxaa gacan Militari oo ka baxday dhanka Dowlada ay gaartay Dowlad Goboleedka Puntland.
Warar hosoe ayaa sheegaya in dhawaan Diyaarad waday Saanad Militari ay gaartay magaalada Garooqe Ee Maamul Goboleedka Puntland taasi oo Hub culus u siday Dowlada Puntland.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiil ka soo jeeda Puntland iyo rag Xildhibaano Baarlamanka ku jiray ay gaareen Magaalada Garoowe si Hubkaasi madaxda Puntland ay ugu wareejiyaan.
Dowlada KMG ah ayaa Hubkaasi u siisay Puntland si ay ula dagaalanto Wadaadka dagaalada ka bilaabay Buuralayda Gobolka Bari halkaasi oo ay kacdoon dagaal ka wadaan Wadaadka Sheekh Atam iyo dad raacsan.
Xiisad ayaa weli ka taagan Deegaanada Buuralayda ah ee Gobolka Bari halkaasi oo ay abaabul ka wadaan Ciidamada Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ku kacsan Dowlada Puntland kaasi oo la aaminsanyahay in uu xiriir la leeyahay Alshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments