Dowlada KMG ah oo maanta Tababar u furtay 800-Askari oo ka mida Booliiska.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa maanta Muqdisho tababar uga furtay Ciidamo ka mida kuwa Booliiska Dowlada.
Dugsiga Tababarka Booliiska Ee School Policia ayaa maanta tababar looga furay 800-Askari oo ka mida Ciidamada Booliiska kuwaasi oo horay ugu soo tababar qaatay Dalka Ethiopia.
Tababarka Maanta ayaa waxaa xariga ka jaray Ra’iisul Wasaare Xigeenka ahna Wasiirka Kaluumaysiga Prof.C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi kaasi oo baaq u jeediyay booliiska tababarka maanta loo furayay.
Ciidamada tababarka loo furayay ayaa waxa ay ahaayeen kuw horay tababar u soo qaatay balse muddo 2-Sano ah shaqooyin kale ku mashquulay.
Ciidamada la tababarayo ayaa waxa ay yihiin 800-Askari oo 150-ka mid ah ay yihiin gabdho Booliis ah oo shaqooyinka dalka ka soo qabtay mudo laba sano ah.
Prof.Ibbi ayaa sheegay in loo baahanyahay in Ciidamada wax ka badalaan shaqooyinka sugida ammaanka islamarkaana ay dadka kula dhaqmaan wanaag maadaama sidaasi lagu carbinayo.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha C/Qaadir Cali Cumar oo sheegay inm Booliiska ay yihiin kuwa ammaanka dalka wax ka badali kara.
Wasiirka ayaa codsaday in Ciidamada marka ay tababarka socanaya 20-cisho ka dib ay gaaraan saldhigyadii laga soo saaray xiliga ay dagaalka ku jireen.
Taliyaha Booliiska Gen.Cali Looyaan oo isaguna ciidanka la hadlay ayaa sheegay in tababrkan uu yahay mid xasuusin ah ka dibna ay gudanayaan waajibka ka saran dalka.
Tababarida Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay noqotay mid mar walba iska socota waxaana ay noqdaan ciidan walba oo magaalada soo gala kuwa shacabka jeebkiisa ku noqda oo dhac iyo baarasho ku dhaqaaqa.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments