read more »">
Calendar

Dowlada KMG ah oo ku faraxday dib u soo celinta Safaarada Soomaaliya Ee Kenya.

somali embsyBartamaha (Muqdisho):- Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya ayaa ayaa si aad ah u soo dhaweeyay dadaal muddo socday oo shalay mira dhalay.

Ra’iisul Wasaare Xigeenka ahna wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya Maxmed C/laahi Oomaar ayaa maanta si cad u soo dhaweeyay dadaalkii dib loogu soo celiyay gacanta Soomaaliya dhismihii Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Oomaar oo maanta la wareegay wasaaradiisa ayaa waxa uu munaasabadii maanta dhacaysay ka sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaalkii loo galay soo dhicinta dhulkii safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada waxa uu cadeeyay in Dowlada Soomaaliya ay u tahay guul balaaran oo u soo hoyatay dib u soo dhicinta dhismihii hore looga dhacay Qaranka Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu xusay in la siin doono mudnaantooda iyo Mahad celintooda dhammaan dadkii u xabsiga u galay dhibkana ka soo maray soo dhicinta dhismahaaso oo dharaar cad uu si sharci dara ah u iibsaday nin Soomaali ahaa oo safiir ahaan xilli u joogay Kenya.

Hadalka ka soo yeeray Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay si sharci ah Maxkamada Sare Ee Kenya ay dowlada Soomaaliya u celisay Milkiyada dhismihii Safaarada Soomaaliya oo hore nin Hindi ah u gatay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: