Calendar

Dowlada KMG ah oo ku celisay in gudaha bishan Janaayo ay Muqdisho kula wareegi doonto.

saBartamaha(Nairobi):-Dowlada Soomaaliya ayaa daaha ka qaaday in gudaha bishan ay  la wareegi doonto guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Wasiiro dowladaha Wasaaradda arimaha gudaha dowladda KMG C/rashiid Maxamed Xidig oo hadal u jeedinayay mudanayaasha baarlamanka ee shalay Nairobi ku shiray ayaa waxa uu sheegay in ay Dowlada Muqdisho la wareegi doonto.

Wasiiro Dowlaha ayaa waxa uu xildhibaanada u sheegay in ammaanka dalka dhawaan uu wax iska badalayo oo ay Dowlada la wareegi doonto ammaanka guud ee dalka.

C/rashiid Maxamed Xidig wasiir Dowlaha arimaha gudaha Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu intaasi ku daray in Magaalada Muqdisho ay ku rajjo weyn yihiin in ay Dowlada la wareegto bishan gudaheeda.

Wasiiro Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha C.rashiid Xidig ayaa waxa uu horay u sheegay in Dowlada ay muddo saddex cisho gudaheed ah ay guud ahaan magaalada kula wareegi doonto.

Masuuliyiinta Dowlada ayaa waxa ay bilowgii sanadan bilaabeen hadalo ay warbaahinta marinayaan oo ay inta badan ku sheegayaan in ay dalka qabsanayaan bishan gudaheeda taasi oo dad badan guryahooda ay uga barakaceen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: