Dowlada KMG ah oo beenisay qasaara ka soo gaaray dagaal ay la gashay Alshabaab.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa been abur ku tilmaamtay guula sheegadka Kooxda ALshabaab iyo qasaara Cidiamada Dowlada soo gaaray.
Taliska Ciidanka Birmadka Booliiska ayaa sheegay inb aanay jirin wax qasaara ah oo Ciidamada Dowlada ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Degmada Hodon.
Col.Cismaan C/laahi Kaniif oo ah Taliyaha Ciidanka Birmadka Booliiska Dowlada KMG ah ayaa sheegay in askarta Dowlada ay ku suganyihiin aagaga ay qabsadeen.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Dowlada ay guul balaaran ka gaareen dagaal shalay ka dhacay Degmada Hodon islamarkaana ay illaa haatan joogaan goobihii ay shalay la wareegeen.
Sargaalkan Booliiska u hadlay ayaa muujiyay guulaha ay Ciidanka Dowlada gaareen isagoo been abuur ku tilmaamay warka ka soo baxay Alshabaab oo sheegayay in ay KM.4 iyo Banaadir ku dhawaadeen.
“Anaga Ciidankeena weerar ma ahayn ee waxa ay qabsadeen shaqada loogu tala galay …ma jiro wax qasaara ah oo soo gaaray Ciidanka Qaranka waxa ayna jogaan goobihii ay shalay gaareen sida Degmada Hodon,Coca Cola Iyo Terbuunka.â€ayuu yiri Col.Kaniif.
Sargaalka Dowlada dhankeeda u hadlay ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan Maydadka raggii ay uga carareen dagaalkii shalay dhacay oo qaar ka mida looga shakisanyahay in ay ajaanib yihiin.
Guula kala sheegadka Dowlada iyo Alshabaab ayaa waxa uu imaanayaa xilli dagaal walba oo ka dhaca Magaalada uu galaafto nolosha shacab aan waxba galabsan oo aan cidka iska weydiin dhibaatada qabsata.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments