Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo Caalamka uga digtay hadalkii ka soo yeeray Ururka Al-Qaacida.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa Caalamka uga digtay hadal ka soo baxay Al-Qaacida kaasi oo salka ku haayay in ay qabsanayaan Marin Biyoodaka Baabul-Mandab.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in Qatar badan ay ka soo socoto soomaaliya mar haddii al-qaacida ay sheegtay in ay qabsanayso Baab Al-Mandab.
Wasiirka Warfaafinta Dawladda KMG ah Soomaaliya Daahir Maxamud Geelle waxa uu sheegay in qorshaha al-qacida uu yahay mid saamayn buuxda ku yeelanayo dhammaan wadamada Caalamka haddii aan xiligan wax laga qaban.
Wasiirka Warfaafinta Mr.Gelle ayaa Caalamka uga digayu in ay ku fiirsadaan Soomaaliya Al-qaacidada doonaysa in ay qabsato dhammaan dhulka soomaaliya islamarkaana ay ku darsato marinada Muhiimka ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments