Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya o maanta Muqdisho ku soo bandhigtay Askar Xizbul Islaam ka soo goosatay.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay askar ka soo baxsatay Kooxda Xizbul Islaam oo ka mida dhinacyada Mucaaradka Dowlada Soomaaliya.
Munaasabad maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay Illaa 3-Askari oo hubaysan oo ka soo goosatay Kooxda Xizbul Islaam oo dhawaanahan dhibaato maaliyeed ay soo foodsaartay.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay madax sare oo Dowlada Soomaaliya ka socotay oo dhammaan dhiiri galin u sameeyay dhalinyarada ka soo baxsatay Xizbul Islaam Dowladana isku dhiibtay.
Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Sheekh C/risaaq Maxamed Qeylow ayaa la hadlay dhalinyaradaasi isagoo us heegay in ay soo dhaweynayaan maadaama ay ka soo bexeen dinbi ay dalka iyo dadka ka galayeen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay Ciidamada ka soo goosanaya Kooxaha Alshabaab iyo Xizbul Islaam taasi oo dhabar jab xoogan ku ah siyaasada Kooxahaasi ay uga soo horjeedaan Dowlada Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments