Dowlada Kenya oo xertay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya iyo Barakacayaal ku xaniban xadla ay la wadaagto Soomaaliya.
Bartamaha(Mandheera):-Ciidamada Ilaalada Xadka Kenya ayaa gabi ahaanba jojiyay dhaqdhaqaaqa Xadka ay la wadaagaan Soomaaliya iyagoo bilaabay in ay celiyaan Barakacayaasha Dalkaasi ku sii jeeda.
Xadka ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa la soo sheegayaa in ay ku xanibanyihiin gawaari aad u fara badan kuwaasi oo doonayay in ay u talaabaan gudaha dalkaasi Kenya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Deegaanka B/Xaawo ay joogan qaar ka mida Barakacayaasha doonaya in ay gaaraan Xeryaha dalka Kenya kuwaasi oo ka soo laabtay dhanka Dhooblay ka dib markii halkaasi la xeray.
Dhammaan Xadka ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka socda Militariga Kenya kuwaasi oo hubinaya dhaqdhaqaaqa Xadka ay Soomaaliya la wadaagaan iyadoo aan la ogayn xiliga xadka ay furayaan Ciidamadaasi.
Dowlada Kenya ayaa dhawaanahanba waxa ay waday qorshayaal ay ku soo kordhinayso Ciidamada Illaalada Xaduuda si ay isaga difaacaan weeraro dhawaan looga digay Dowlada Wadanka Kenya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments