Dowlada Kenya oo Ciidamo soo dhoobtay Xadka ay la wadaagto Gobolka Gedo.
Bartamaha (Nairobi) Dowlada Kenya ayaa soo dhigtay Ciidamadeeda Militariga Xadka ay la wadaagto Dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.
Dad safar ku soo maray Deegaanka Mandheere Kenya ayaa xaqiijiyay in ay arkeen Ciidamada Militariga ilaalada xadka Kenya oo si weyn ula socday dhaqdhaqaaqa dadka ee xadka labada wadan.
Ciidamada ilaalada Xuduudaha oo u badan kuwa Militariga ayaa la dhigay dhammaan wadooyinka ka soo gala xadka dhanka Wadanka Soomaaliya taasi oo muujinaysa adkaynta maanka xadka.
Imaanshaha Ciidamada Militariga xudduuda Dalka Soomaaliya iyop Kenya ay wadaagaan ayaa imaanaysa xilli hanjabaad culus Xarakada Alshabaab ay u dirtay Dowlada Kenya taasi oo salka ku haysay tababar Ciidameed oo ka socanaya Kenya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments