Dowlada Kenya oo adkaysay ammaanka Xadka ay la wadaagto Dalka Soomaaliya.
Bartamaha(Nairobi):-Dowlada Kenya ayaa soo dhoobtay Ciidamo xoogan xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya iyadoo ammaanka si weyn ay u adkeeyeen ka dib la wareegidii Alshabaab Dhoobley.
Wasaarada Difaaca Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay adkaysay ammaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya si aanay uga soo talaabin Islaamiyiinta Alshabaab oo shalay qabsaday Dhoobley.
Maxamed Yuusuf Xaaji Wasiirka Difaacada Dowlada Kenya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay ka warqabaan dhaqdhaqaaqyada Alshabaab iyo deegaanada ay joogaan iyagoo u diyaarsan sida uu sheegay difaaca Xadka.
Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay shalay qabsadeen Degmada Dhoobley oo ku taala Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya iyadoo xiligan ammaanka xuduuda uu yahay mid wanaagsan.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments