Dowlada Jarmalka oo sheegtay inay Tababar siindonto ciidamada dowlada Soomaliya
Muqdisho _ Wasiirka Gaashaandhiga dalka Jarmalka Haweenayda la yiraahdo Orizela ayaa shaaca kaqaaday in dowlada jarmalku qorsheynayso in ciidamadedu kaqayb qaataan tababar lasiiyo ciidanka xooga dalka Somaliya.
Tababarkaan ay dowlada Jarmalku siinayso ciidanka soomaliya ayaa qayb ka ah tababarada ay bixiyaan Midowga Yurub, waxaana ay ciidanka Jarmalku kamid noqonayaan kuwo Midowga Yurub ee Tababaraya Ciidamada Soomaliya sida ay sheegtay Orizela.
Wasiirka Gaashaandhiga Jarmalka ayaa intaasi raacisay in Tababarkaan ay ciidamadoodu bilaabi doonaan Bisha April, kadib marka ay ogolaadan Baarlamanka Jarmalka.
Soomaaliya oo aan lahayn ciidamo awoodleh ayaa hadana waxaa jira tababaro ay helaan ciidamadu kuwaasi oo ay dowlada Somaaliya ku taageeraan Midowga Yurub, waxaana dalka Uganda lagusoo tababaray ciidamo Soomaliya oo gaaraya ku dhowaad 3500- oo Askari.
www.Bartamaha.com
Comments
comments