Dowlada Jarmalka oo shaaca ka qaaday in ay ka qeybgalayso Tababarka Ciidamada Dowlada Soomaaliya
Bartamaha(Kampala):-Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay in ay si wanaagsan uga qeybqaadanayso tababarka Ciidamada Dowlada Soomaaliya si AMmaanka dalkaasi wax looga badalo.
Sida uu qoray Wargayska Al-Xayaat ee ka soo baxa Magaalada London waxaa si rasmi ah Golaha Wasiirada Dowlada Jarmalka isku raaceen in ay ka qeybqaataan Tababarka Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Nuqul ka mida go’aanka Golaha Wasiirada Jarmalka ay gaareen oo uu soo daabacay Wargayska Al-Xayaat ee ka soo baxa Magaalada London ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Jarmalka ay Saraakiil Tababarayal ah ay geynayso Ugandha si ay u tababaraan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa horay isugu raacay in bisha soo aadan Ee May la bilaabo tababarka Cidiamada Dowlada Soomaaliya kaasi oo laga furayo Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.
Dowlada Jarmalka ayaa isku raacday in ay ka qeybgalaan Tababarka 2500-Askari oo Dowlada Soomaaliya loo tababarayo si ay ammaanka dalka wax badan uga badalaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments