Dowlada Jabuuti oo qirtay in ay Ciidamo Ka Jogaan Muqdisho.
Bartamaha(Djabuti):-Madaxweynaha Dowlada Jabuuti ayaa qiray in ay Ciidamo geeyeen gudaha Magaalada Muqdisho balse aanay kuwa kale ku daraynin sida uu shaaca ka qaaday Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa shaaca ka qaaday in ay Ciidamo ka joogaan Muqdisho kuwaasi oo ka mida Ciidamada Amisom isagoo sheegay in aanay kordhin doonin dhawaanahan Ciidamadaasi.
Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geele oo waraysi siinayay Wakaalada Wararka Reuters waxa uu si rasmi ah u shaaca uga qaaday in ay soomaaliya ka joogaan 400-Askari balse aanay doonaynin in ay kuwa kale geeyaan Magaaladaasi dagaalka uu ka socanayo.
Madaxweynaha waxa uu xusay in Ciidamada ka jooga SOomaaliya ay yihiin kuwa Nabad ilaaliyaal ah islamarkaana ay ka shaqeynayaan ammaanka goobaha muhiimka u ah Dowlada.
Jabuuti waxa ay horay u balan qaaday in ay Ciidamo keenayso Soomaaliya wallow aan la ogayn xiliga ay Cidiamadaasi gaareen Magaalada Muqdisho oo ay tageen Xeryaha Ciidamada AMisom.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments