Calendar

Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka oo guula ka kala sheegtay dagaaladii Xalay Muqdisho ka dhacay.

dagaalw-toosBartamaha(Muqdisho):-Dowlada Fd Soomaaliya iyo Kooxda Xizbul Islaam ayaa guula ka kala sheegtay dagaaladii Xalay Magaalada Muqdisho ka dhacay iyagoo dhinac waliba uu iska fogeeyay masuuliya weerarkii xalay Muqdisho ka dhacay.

Sheekh Muuse Cabdi Caraale Xog-hayaha gaashaandhiga Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in xalay Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay soo weerareen fariisinada ciidamadooda Ee degmooyinka Muqdisho.

Xoghayaha Gaashandhiga Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in dagaalada ka dhacay Xalay ay ahaayeen kuwa dhankooda lagu soo qaaday balse waxa uu sheegay in ay guula ka gaareen dagaaladaasi islamarkaana ay dib u celiyeen Ciidamadii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale Sheekh C/risaaq Qeylow Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta Dowlada Fd Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalada xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ay soo qaadeen kooxaha nabadda Soomaaliya diidan kuwaasi uu sheegay in ay ku soo duuleen deegaanada Dowlada ay ka taliso.

C/risaaq Qeylow ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowlada ay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen kooxahaasi oo uu sheegay in ay qorsheysteen dagaalo aan dhamaad lahayn oo ay ku soo qaadaan qeybaha dowlada ay maamusho gudaha bisha Ramadaan.

Lamada Masuul Ee u kala hadlay Xizbul Islaam iyo Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay guula ka wada sheegteen dagaaladaasi ka dhacay Casimada kuwaasi oo xalay ay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ka soo gaartay shacabka Muqdisho ku dhaqan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: