Calendar

Dowlada India oo walaac ka muujisay doonyo laga leeyahay dalkaasi oo Xeebaha SOomaaliya lagu afduubtay.

bURCAD BADDABartamaha(India):-Dowlada India ayaa noqotay Dowladii ugu horeysay oo mar qura laga afduubta in ka badan 120-ruux oo ah Shaqaale u dhashay dalkaasi Xeebaha Soomaaliya.

Dowladda India oo ka hadashay afduub saacadihi ugu dambeeyay loo geystay dad ka soo jeeda dalkaasi oo shaqaale ka ahaa Doiomo ganacsi oo ay qabsadeen Burcad Badeeda taasi oo ay ku tilmaameen dhibaatadii ugu balaarayd.

Dowlada  ayaa sheegtay in 8-doomood oo laga leeyahay dalka India ay gacanta u galeen Burcad Badeeda iyadoo ay doonyahaasi  la socdaan 120-shaqaale oo u dhashay dalkaasi India.

Doonyaha ayaa waxa ay ahaayeen kuwa u raran ganacsato Soomaaliyeed sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Dalkaasi India islamarkaana Burcad Badeeda ay qafaasheen shaqaalaha iyo doonyaha ay saarnaayeen.

Shaqaalahan  gaaraya 120-ka shaqaale waxa ay ka soo jeedaan Gobol lagu magacaabo Gujurat ee dalkaasi India oo haatan murugo balaaran ay haraysay dadka dagan Gobolkaasi.

Doomaha ganacsi ee la qafaashay ayaa waxaa saran Gagaash iyo raashin kala duwan waxana lagu waday in la geeyo Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo halkaasi oo ganacsatadii ay u rarnaayeen doomaha ay joogaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: