Dowlada France ayaa sheegtay in aanay ka daali doonin taageerada Xagga khubarada Ammaanka oo ay Dowlada Soomaaliya siinayso.
Bartamaha(Paris):-Dowlada France ayaa daboolka ka qaaday in ay diyaar wili la tahay taageerada Dowlada Fd Soomaaliya ay ka siinayso xagga Saraakiisha Ammaanka.
Wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Faransiiska Bernard koshnear oo ka qeybgalayay kulan ay magaalada Paris ku yeelanayeen Safiirada Wadamada Yurub ayaa waxa auu sheegay in Dowlada Faransa ay Soomaaliya dhawaan u dirayso Saraakiil Xagga Ammaanka kala shaqeeya Dowlada Soomaaliya.
Bernard koshnear ayaa hadalkan uga jawaabay qaar ka mida Madaxda Safaaradaha oo ugu hanbalyeeyay soo baxsashada sargaalkii dhawaan ka soo badbaaday gacanta afduubayaasha Soomaalida ah.
Wasiirka Arimaha Dibada Faransiiska ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay u baahantahay taageera xagga khibradda Ciidanka ah islamarkaana France ay u taagantahay taageeradeeda dhankaasi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Kooxaha afduubka Saraakiisha geystay ay doonayeen in uu go’o xiriirka Dowlada Faransiiska ay la leedahay Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya balse uu sheegay taasi aanay dhici doonin.
Hadalkan ka soo baxay Bernard koshnear ayaa imaanaya xilli weli gacanta afduubayaasha uu ku jiro Sargaal xagga la talinta ammaanka howshiisu tahay kaasi oo aan war iyo wacaal laga haynin halka lagu hayo .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments