Calendar

Dowlada Franca oo tababar u furtay Ciidamada Badda Dowlada Soomaaliya.

frBartamaha(Djabuti):-Dowlada Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in ay tababar u furtay Ciidamo ka tirsan Badda Dowlada Soomaaliya gudaha Dalka Jabuuti si ay ula dagaalamaan Burcad Badeeda.

Wasiirka Difaacada Dowlada Faransiiska ayaa sheegay in Dowlada Franca ay tababar u furtay illaa 300-askari oo ka tirsan Ciidamada Badda Dowlada Soomaaliya si ay ula dagaalaman Burcad badeeda.

Herve Morin wasiirka Difaaca Dowlada Faransiiska ayaa sheegay in Ciidamada la tababarayo ay yihiin kuwa badda islamarkaana uu qeyb ka yahay mashruuc Midowga yurub uu wax kaga qabanayo Xaalada dalka Soomaaliya.

Faransiiska ayaa dhawaanahan waday qorshe ay dagaalo kula galayaan Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida iyagoo haatan tababar ka bilaabay dalka Jabuuti si Ciidamada Badda Dowlada Soomaaliya ay ammaanka badda wax badan uga badalaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: