Calendar

Dowlada Filibiin oo shaaca ka qaaday in Ciidamo la dagaalama Burcad burcad badeeda u soo direyso xeebaha Dalka Soomaaliya.

1YDIBartamaha (Manila) Dowlada Filbiin oo laga haysto badmaaxiinta ugu badan ayaa waxa ay sheegtay in xeebaha Wadanka Soomaaliya ay u soo direyso Ciidamo la dagaalama Burcad badeeda Soomaalida.

Madaxweynaha Dalka Filibiin haweenayda lagu magacaabo Gloria  Arroyo ayaa sheegtay in dhawaan Ciidamada badda Philipin ay soo gaarayaa xeebaha Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlaha lagula dagaalamayuo Burcad badeeda.

Arroyo ayaa qirtay inm Xeebaha Soomaaliya lagu haysto shaqaale u dhashay dalka Filibin oo ay ku sheegtay in si qasab ah ay u afduubteen Kooxaha Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya.

illaa xiligan waxaa gacanta afduubayaasha ku jira tirade ugu badan oo ka mida Badmaaxiinta dalkaasi Filibiin  kuwaasi oo xiligan dhibaato ay ku haysato gacanta kooxaha burcad badeeda ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: