Dowlada Fd Soomaaliya oo Talyaaniga ka codsatay in uu wax ka qabto balan qaadkii shirkii Brussels
Bartamaha (Roma) Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Talyaaniga ay kala hadashay dhaqaalihii lagu balan qaaday shirkii wadamada G-8-ka iyo balan qaadkii Somali Contacty Group.
Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Talyaaniga uu ka dalbaday in ay meel ku soo ogaato balanqaadkii Shikii Brussels halkaasi oo maaliyad loogu talagalay Soomaaliya lagu yaboohay.
Cali Jaamac Jangali Wasiirka Arimaha Dibada ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay layaabantahay halka uu ku danbeeyay balan qaadkii maaliyada Ee Wadamada Daneeya Arimaha Soomaaliya iyo qaar vka mida dalalka warshadaha.
Cali Jangali ayaa waxa uu tilmaamay in Talyaaniga uu kala hadlay sidii uu wax badan uga ogaan lahaa sababaha Dowlada Soomalaiya loo siin la’yahay dhaqaalaha loo balan qaaday.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Talyaaniga ay ka balan qaaday in ay jawaab uga keeni doonto wadamada dhaqaalaha u yaboohay iyadoo uu sheegay in Talyaaniga ay dhankeeda balan qaaday wax u qabashada Dowlada Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments