Dowlada Fd Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in gacanteeda uu soo galay Sargaal Faransiis ah oo ka soo baxsaday gacanta Afduubayaasha Islaamiyiinta.
Bartamaha (Muqdisho):-Wasaarada Warfaafinta Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu gacxantiisa soo galay sargaal faransiis ah oo ka soo baxsaday gacanta afduubayaasha Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Sheekh Daahir Maxmuud Geele Wasiirka Warfaafinta Dowlada Fd Soomaaliya oo maanta saxaadafa kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Sargaalkaasi uu ka soo baxsaday gacanta afduubayaasha.
Wasiirka ayaa sheegay in Ninkaasi uu soo gaaray Xarunta Madaxtooyada isagoo nabad qaba islamarkaana aanay jirin wax dhibaata ah oo jirkiisa ka muuqatay isagoo tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay la xiriirisay dowlada Faransiiska.
Wasiirka Warfaafinta Dowlada Fd Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin ka bixiyo qaabka ninkaasi uu u soo gaaray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments