Dowlada Fd Soomaaliya oo maanta wacad ku martay in muddo kooban ay ku afjarayso dagaalada ay kula jirto Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Yuusuf Maxmed Siyaad Indha Cadde oo maanta Saxaafada kula hadlay Caasimada Muqdisho ayaa wacad ku maray in muddo kooban ay kaga taqalusi doonaan Islaamiyinta dagaalada kula jira dowlada Soomaaliya.
Wasiiro dowladaha wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Fd Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay jiraan abaabulo dagaal oo ay wadaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in heegankii ugu danbeeyay loo galiyay sidii ay uga awood roonaan lahaayeen koxo uu sheegay in ay ku soo duuleen Dowlada uu ku jiro.
Yuusuf Indhacadde ayaa tilmaamay in haatan ay dagaalkii ugu danbeeyay la galayaan Kooxo uu ku sheegay in aanay soomaali u dhalan kuwaasi oo uu sheegay in ay ku soo dulleen Dowlada Soomaaliya isla mar’ahaantaana ay ka yimaaden wadamada Afgaanistaan iyo Pakistaan oo aan xad wadaag la ahayn dalka soomaaliya.
Sargaalkaasi dhawaan la sheegay in uu yahay wasiir dowlaha Wasaarada Gaashaan-dhiga Dowlada Soomaaliya ayaa hadalka maanta uu saxaafada siiyay waxa uu ahaa hanjabaadii iyo balanqaadkii ugu xooganaa oo uu bixiyo Yuusun Indha Cadde isagoo ka dalbaday shacabka soomaaliyeed in ay u dulqaataan muddada dagaalka lagu afmeerayo Kooxahaasi uu socanayo.
Hadalkan hanjabaada ayaa horey waxaa uga horeeyay ku simaha Afhayeenka Ciidamada Maxkamada Dowlada raacsan oo ku goodiyay in muddo 24-Saacadooda ah ay la wareegayaan dhammaan fariisinada ay ka qabsadeen islaamiyiinta iyadoo taasi fasiraadeeda ay noqotay dagaal qaraar oo dhacay iyo Degmooyin hor leh sida Kaaraan iyo Shibis oo gacanta u gashay Islaamiyiinta.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments