Calendar

Dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dhalinyaro laga soo afduubtay Gobolka Sh/Hoose si ay uga qeybgalaan dagaalada Muqdisho.

ciyaalkiiBartamaha(Muqdisho):-Masuulyiinta Taliska Ciidanka Booliiska Soomalaiyeed iyo Maamulka G/Banaadir ayaa maanta waxa ay soo wada bandhigeen ilaa 11-Dhalinyara ah oo ay ka soo qabteen xilli ay Muqdisho soo galayeen Controlka Afgooye.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada Fd soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale iyo Gud.Xigeenka Maamulka G/Banaadir C/Fitaax Ibraahim Shaaweeye ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay ilaa 11-Wiil oo ay ku sheegeen in laga soo qafaashay gudaha Gobolka Sh.Hoose.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay dileen Sargaalkii watay kooxdan la doonayay in laga dagaal galaiyo Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in 9-ka mid ah ay yihiin Caruur u dhaxaysa 8-15Jir balse ay la qabteen Darawalkii gaariga waday iyo Ninkii la shaqaynayay oo ay sheegeen in ay yihiin labada ugu weyn oo dhalinyara ah.

Ku xigeenka Budomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Ibraahim Shaaweeye ayaa sheegay in ay wax laga xumaada tahay in caruurtaasi soomaaliyeed laga dhigto kuwa meel waliba albaab laga dhigto isla markaasina ay ku wareejindoonaan waalidiintii laga soo afduubtay sida uu sheegay.

Ma jirto wax war ah ee ka soo baxay xagga kooxda lagu eedeeyay in ay dhalintaasi soo afduubteeb balse wararka ayaa sheega in ciyaalkaasi aanay ahayn rag si rasmi ah loo soo afduubtay balse ay ciidamada dowlada ka soo qabqabteen goobaha ay ku sugnaayeen ee Gudaha Muqdisho.

Lama oga ilaa haatan wax fariin ah oo tilmaami kara in wiilasha maanta la soo bandhigay ay yihiin rag u soo baqoolay ka qeybgalka dagaalada Muqdisho wallow caruurta ugu yar qaarkood ayaa sheegay in ciidamada ay ka baqanayaan isla markaasina aanay sheegi Karin wax ka soo horjeeda fekerkooda taasi oo arinta ka dhigaysa mid shaki weyn laga qaado.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: