Calendar

Dowlada Ethiopia oo been abuur ku tilmaamtay guula ay sheegteen Jabhada ONLF .

siomBartamaha(Addis-Ababa):-Dowlada Ethiopia ayaa been abuur ku sheegtay guula la taaban karo oo dhawaan sheegteen Madaxda Jabhada ONLF oo dagaal la gashay Dowlada Ethiopia.

Afhayeenka Dowlada Ethiopia Brakat Simon oo la hadlayay Wakaalada Warar Reuters ayaa sheegay in ay guula ka gaareen dagaal ay la galeen Jabhadaasi oo weerar ku soo qaaday saldhigyada Ciidamada.

Simon ayaa muujiyay in ay jirto Tuulo ay qabsadeen Jabhada taasi oo Ciidamada Ethiopia ay isaga bexeen taasina aanay ahayn guul ay gaareen Jabhadaasi balse lagu raadjoogo.

Afhayeenka Dowlada Ethiopa Brakat Simon ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 200-oo ka mida Maleeshiyada Jabhada ONLF islamarkaana ay la wareegeen hub ay wateen Kooxdaasi.

Sargaal u hadlay Jabhada ONLF ayaa dhawaan daaha ka qaaday in ay qabsadeen in ka badan 7-Tuulo oo ku yaala Deegaanada ay soomaalida dagto Ee Dalka Ethiopia halkaasi oo dagaal qaraar uu ka dhacay.

Hadalka diidmada guulaha ee ka soo yeeray Dowlada Ethiopia ayaa waxa uu imaanayaa xilli weli Xaalad cakiran ay ka taagantahay Deegaanada ay dagaalada ku galeen Ciidamada Ethiopia iyo Jabhada Wadaniga ah Ee ONLF.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: