Calendar

Dowlada Eritrea oo ku Eedeysay Dowlada Fd Soomaaliya in ay geystay xasuuq shacab.

32305-400x500Bartamaha(Asmara):-Dowlada Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in dhibaato xoogan iyo xasuuq muuqda ay Dowlada Fd Soomaaliya ka geystay deegaano ka mida dalka soomaaliya.

Essayes Afawerk Madaxweynaha Dowlada Eritrea oo shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Asmara ayaa waxa uu ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay xasuuq ka geystay Magaalada Muqdisho iyo deegaano soomaaliya ka mida ah.

Madaxweyne Essayes Afawerk ayaa tilmaamay in dowlada Madaxweyne Shariif ay dhibato muuqata dalka ka geystay isagoo sheegay in xiligan ay masuuliyada dagaalada ay dowladaasi iyada leedahay.

Afawerk ayaa ugu baaqay dowladaha Maraykanka,Itoobiya iyo Ugandha in ay faragalinta ka daayaan dalka soomaaliya isagoo dusha uga tuuray dhibaatada shacabka soomaalida gaaraya in ay u keeneen dowladaha faragalinta ku haya soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Dowlada Eritrea ayaa ku soo aadaya xilli dalka soomaaliya meela badan oo ka mida ay dagaalo ku dhexmarayaan Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka.

Xafiiska Bartamaha wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: